MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO XILKA U KALA WAREEJIYAY WASIIRKA CUSUB EE WASAARADDA WAXBARASHADA PUNTLAND IYO WASIIRKII HORE.
Garoowe: 13 March 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda xilwareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarasshada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Mudane Fu’aad Abshir Axmed (Adeer) . iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Mohamed Xasan oo ay weheliyo Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Xiwareejintaa ayaa bilowgii furitaanka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Mohamed Cali Nuur Jubba, isagoo ka sheekeyey Waxqabadkii Wasaaarada iyo Guulahay tiigsanayso Wasaaradda.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Mudane ,Cabdullaahi Mohamed Xasan ayaa ka warbixiyey Shaqooyinka Wasaaradda u qabsoomay 5-sano ee lasoo dhaafay, sida ay u maaraysay xaaladihii caafimaad ee Adduunka ka dhacay sida COVID-19kii dhamaan Xirmeen goobihii Waxbarashada sida loo maareeyey Waxabarashada iyo dhamaan Manhajka Puntland oo la dhamaytiray , oo marwalba Wasaaraddu ay dadaal ku bixinaysay in la helo Waxbarasho tayo leh ,iyo daaweynta in lagu wada gaarsiiyo Waxbarasho meelkastay joogaan.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay shaqadii wanaagsaneyd ee Wasiirkii hore iyo masuuliyiinta kale ee Waxbarashada qabteen, wuxuuna Kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada inuu halkaasi hore ugasii wado Wasaaradda si loo fulliyo qorshaha dhow iyo kan fog ee Horumarinta Waxbarashada Puntland.
Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Musuuliyiinta cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland iyo Masuuliyiintii hore ee Wasaaradda, Guddiga xilwareejinta Golaha Wasiirada, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha guud ee Wasaaradda Waxbarashad , Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.