Preloader Close
m o e p u n t l a n d

Isafgarad ay gaareen labada Wasaaradood ee Waxbarashada Puntland iyo Galmudug ee la xiriira qulqulka ardada labada dhinac.

Date: 15/01/2022

Heshiis isafgarad ah oo laga gaaray Qulqulka ardayda iyo ilaalinta Tayada Waxbarashada Hordhac

Kulamo uga socday Magaalada Gaalkacyo Wasaaradaha Waxbarashada Puntland iyo Galmudug oo ay hoggaaminayeen Wasiiru-Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane C/laahi Xasan Rooble iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Mudane Shariif Maxamed Khaliif ee looga hadlayey Qulqulka ardayda iyo ilaalinta Tayada Waxbarashada ee Gobolka ayaa waxaa laga gaaray heshiis labada dhinac ah.

Qodobbada Heshiiska Wasaaradaha Waxbarashada Punland iyo Galmudug

  1. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in la hubiyo ardayda baddalka ku timid labada dhinac si wada jir ah
  2. In ardaygii baddal sax ah doonaya loo oggol yahay in loo fududeeyo, Laakiin Baddalkiisa la soo mariyo Xarumaha dhexe ee Wasaaradaha.
  3. In Ardaydii aan wadan baddalka saxa ah ee fadhiya dugsiyada ay ku laabtaan meeshay ka yimaadeen iyo Heerka ay ahaayeen, iyagoo sii maraya Xafiiska Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka
  4. In Ardayda kasta oo fasal-bood sameeyey uu dib ugu noqdo meeshuu ka yimid iyo Heerka uu ahaa, isagoo sii maraya Xafiiska Guddoonka Waxbarashada ee Gobolka
  5. Waxaa kormeer wadajir ah lagu tagi doonaa dhammaan Dugsiyada Gobolka Mudug
  6. In maamuleyaasha dugsiyadu aanay qaban karin arday aan soo marin waddadii sharciga ahayd ee lagu heshiiyey.
  7. In la xoojiyo isku xirka maamulka waxbarasho ee heer degmo iyo heer gobol, iyadoo loo igmanayo Guddi gaar ah oo ka kooban labada Maamul-Waxbarasho Puntland iyo GalĀ­mudug.