Preloader Close
m o e p u n t l a n d

WASIIR FU’AAD OO KULAN LA QAATAY GUDDOOMIYEYAASHA JAAMACADAHA PUNTLAND

WASIIR FU’AAD OO KULAN LA QAATAY GUDDOOMIYEYAASHA JAAMACADAHA PUNTLAND
Garoowe, Maarso 28, 2024; Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Fau’aad Abshir Axmed oo kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Puntland ayaa kala hadlay tayeynta adeegyada waxbarashada sare iyo cilmi barista, isagoo soo bandhigay dadaalka ay Xukuumadda Puntland ku bixinayso kor u qaadidda manaahijta iyo tayada macallimiinta.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland Mudane Hon. Fu’aad Adeer ayaa waxaa ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid, Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdisalaan Cali Faarax (Biligsay) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Jubba Cali Nuur Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha.
Waxaana laga dhageystay caqabadaha ku xeeran Tacliinta Sare ee Puntland, fursadaha ay haystaan Jaamacadaha dalku iyo sida loo xoojin karo tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista.
Sidoo kale, Bahda Tacliinta Sare ayaa soo dhaweeyey Wasiirrada cusub ee Waxbarashada Puntland, iyagoo uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay horumarinta Jaamacadaha Puntland, si ay ula tartamaan dhiggooda dalka iyo guud ahaan gobolka.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane Maxamed Cali Nuur iyo Agaasinka Waaxda Tacliinta Sare.

DHAMMAAD
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland
Facebook:
Twitter:
Instagram:
Telegram:
Email: info@moehe.pl.so