Preloader Close
m o e p u n t l a n d

Wasiir- Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntlnd ayaa Tababar u furay khubaro soo qiimaynaysa Buugaagta Manhajka Dugsiga Hoose ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa saaka u yeertay qayb kamid ah khubaradii dajisay manhajka dugsiga hoose ee Puntland, kuwaas oo qiimayn ku samayn doona buugga baraha iyo kan bartaha ee fasallada koowaad illaa afaraad ee dugsiyada hoose.
Kooxdan waxa ay ka hawl gali doonaan dugsiyada Puntland, si loo soo qiimeeyo buugaagtu inay yihiin kuwii ku habboona baraha iyo bartahaba.
Agaasimaha Waaxda Tayeynta Tayo-dhowrka, Manaahijta iyo kormeerka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Puntland, C/qaadir Yuusuf Nuux, ayaa la hadlay qayb kamid ah khubarada manhajka Wasaaradda Waxbarashada ee tababbarka maanta loo furay, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay soo qiimeeyaan macallinka iyo buugaagta dugsiga hoose ee Puntland in ay xog fiican ka keenaan.
Buugaagtan manhajka dugsiga hoose ee Puntland ayaa loo qaybinayaa todobaadkan Fasalka 1aad ilaa Fasalka 4aad iyo macallimiinta barayaasha ka ah dugsiga.
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Xassan Rooble, oo muddo dheer si dhow ula socday daabacaadda buugaagta dugsiga hoose ee Puntland, ayaa furitaanka tababbarkan waxa uu ka sheegay in barnaamijkan uu gacan ka geysan doono abuuridda jawi lagu gaarsiiyo waxbarasho tayo leh carruurta Soomaaliyeed ee Puntland.
“Barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa kor u qaadista tirada ardayda iyo tayada ka qaybgalka waxbarashada carruurta Soomaaliyeed, iyada oo uu barnaamijku ka shaqayn doono tayaynta macallinka, tayaynta dugsiyada Puntland, xoojinta kormeerka, manhajka iyo xoojinta awoodda maamul iyo fulineed ee dhanka waxbarashada ee dowladda Puntland” ayuu yiri Wasiir-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble.