Preloader Close
m o e p u n t l a n d

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo imtixaan marsiisay 11 Macalin oo u tartamayey maamulka dugsiga sare ee Gambool.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ayaa intii u dhaxaysay 30kii Nofember ilaa 1dii Dhisember 2020, imtixaan ka qaadday 8 tartame/macallin oo mid ka mid ahi uu noqon doono maamulaha dugsiga sare ee Gambool.
Imtixaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Bashiir Jaamac Maxamed, waxa uuna tartamayaashii u sheegay in qof walba nasiibkiisa qabo, oo imtixaan caddaalad ah loo soo diyaariyey.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu u mahadceliyey Guddigii Imtixaanka loo saaray oo sida fiican uga soo shaqeeyay ee qabtay hawsha baaxadda weyn leh.814