Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland Mudane, Maxamed Cali Nuur (.Jubba) ayaa shir-guddoomiyey shirkii shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada oo ah kulan ay asbuuciiba mar isugu yimaadaan shaqaalaha xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashada
Shirkan oo ah madal xog-wadaagis oo ku saabsan ilaalinta waqtiga, iyo sidii looga shaqayn lahaa qorshayaasha horumarinta waxbarashada 2024.
Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyaa wixii u qabsoomay asbuucan dhammaaday iyo qorshaha bisha soo socota iyo caqabadaha waxbarashada ee u baahan in xal laga gaadho.
Shirkan ayaa waxa soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, waxaana uu Agaasimuhu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leeyihiin shirarkani.
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Puntland